WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Puntland Deni oo eedeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya-Akhriso

Garoowe (HM) – Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa walaac ka muujiyay hubka dowladda Soomaaliya ay ka hesho caalamka, isaga oo sheegay in hubka dowladda la gaarsiiyo aysan helin maamulka Puntland.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa ka codsaday beesha caalamka inay ka taageeraan dhanka amaanka, maadaama sida uu sheegay Puntland ay dagaal adag kula jirto Al Shabaab iyo kooxda Daacish.

Wuxuu sheegay in maamulka Puntland uusan helin taageerada dhanka amaanka ee maamulada loogu soo dhiibo dowladda Soomaaliya, waxaana uu dalbaday in arimahaasi si gaar ah looga taageero.

Madaxweynaha Puntland Siciid cabdullaahi Deni ayaa yiri “Kaalmadda beesha caalamku ugu tala gashay maamul goboleedyadda Dowlad Federaalka Soomaaliya ayaa iska qaadata, oo waxba nama soo gaaraan, dadka Puntland way isku filan yihiin”

Waxaa uu xusay in Puntland ay tahay meesha ugu daran dhinaca amaanka oo ay si wadajir ah uga dagaallamaan Daacish iyo Al-shabaab, sidaasi daraadeed ay u baahan yihiin hub iyo dhaqaalo ay kula dagaalamaan labada koox.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in haddii taageerada caalamka aan Puntland qeybteeda laga siin ay isku tashan doonto Puntland sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka madaxweyne Deni ayaa u muuqda mid muujinaya inaysan helin taageeradii dhanka amaanka ee loo qorsheeyay dowlad goboleedyada, waxaana arintaasi ay joogsatay markii madaxweyne Gaas iyo dowladda is qabteen mudaddii uu xilka hayay.

SOMALI NEWS

To Top