WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Dakhtar lagu dhaawacay Magaalada Muqdisho..

Muqdisho (HM)-Xaalada caafimaad ee dhakhtar Cabdixaliim Maxamuud Sheekh oo ka howlgala isbitaalka Erdogan Ex Digfeer magaalada Muqdisho ayaa soo hagaageysa kadib markii lagu sameeyay qalliin lagu sameeyay.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada Dhakhtarka aysan halis ku jirin xaaladiisuna ay degen tahay.

Dhakhtar Cabdixaliim Maxamuud oo ku taqasusay cudurada carruurta ayaa ku dhaawacmay rasaas ay rideen ciidamo.

Ciidamada rasaasta riday ayaa la sheegay inay doonayeen in ay ku furtaan wadada cariiriga ah ee isgoyska Zobbe.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada Ammaanka ee la xiriirta in la qabtay ciidamada geysatay falka uu ku dhaawacmay dhakhtarka.

SOMALI NEWS

To Top