WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Muuse Biixi oo sheegay wuxuu kala hadlay Abiy Ahmed iyo Kulankii Farmaajo waxa ku-Video

Boorame  ( HM ) Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa soo gaadhay magaalada Boorame ee Gobolka Awdal, ayaa khudbad uu jeediyey uga hadlay Arimo kala duwan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ugu horayn wuxuu ka hadlay Waxyaabaha ay ka wada hadleen Raysal wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed Kulankii dhowaan ay la yeesheen, Wuxuuna ku sifeeyay inuu yahay Nin Nabadoon ah.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay Wadahadalka u dhexeeya Muqdisho iyo Hargeisa,   Wuxuuna xusay inay goorkastaba Diyaar u yihiin Wadahadalka,  isagoo sheegay Somaliland ay leedahay Dastuur, kaasi oo dhigaya in shacabku ay Cod u qaadayaan hadii ay Koonfur La Midoobayaan, Balse aysan Baarlamaan iyo Xukuumad midna go’aan qaadan karin.

Dhinaca koonfurta Dastuurku waa Qabyo,   Cod dad wayne ma wataan oo Baarlamaan ayaa doortay, Halka Somaliland ay dadku doorteen.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

” Wadahal waa la gelayaa, Somaliland ma Necba Soomaali,   Way wanaagsan tahay in la Midoobo oo wax la Qabsado, Balse waxaa la is waydiinayaa sidee wax loo wada Qabsanayaa”  Ayuu yidhi Muuse Biixi.

“Madaxwaynihii  Taliyeyaashii iyo Gudoonkii Baarlamaanka  waxaa qaatay Koonfur, waxaana ka dambeeyay dhibaato, Hantidii Somaliland waxy taalay Xamar, yaa Soo Qixiyey, Waxaana hada ka dambeeyay  Ma tashan kartaan.” ayuu Raaciyey hadalkiisa.

SOMALI NEWS

To Top