WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Kenya oo khilaafka Siyaasadeed ee kala dhexeeya Soomaaliya Gacan sadexaad ku eedaysay-Video

Nairobi (HM) –Mas’uuliyiinta dalka Kenya ayaa daraf saddexaad ku eedeeyey inay mas’uul ka yihiin xiisadda siyaasadeed ee ka dhex ooggan Nairobi iyo Muqdisho, sida uu qoray wargeyska The East African Standard ee Nairobi kasoo baxa.

Darafka saddexaad ayay Kenya rumeysan tahay inay dano ka leeyihiin shidaalka iyo kheyraadka Soomaaliy, ayna ku riixayaan dowladda Soomaaliya siyaadado Kenya ay u aragto kuwa qaldan.

Shirkadaha Soma Oil and Gas iyo Spectrum oo labadaba ka diiwaan gashan UK, ayaa horey dowladda Soomaaliya ula saxiixday heshiis shidaal sahmin iyo xog-ururin ah, waxaana dhowr jeer ay London ku qaabteen shir ku saabsan shidaalka Soomaaliya.

Hase yeeshee, Kenya ayaa rumeysan inay jiraan shirkado kale oo Soomaaliya ka leh dano shidaalmiyo mid kalluumeysi, oo ka diiwaan gashan dalal ay ka mid yihiin Holland, France, Norway, Canada, China iyo Japan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Kenya ma aysan magacaabin shirkadaha ay ku eedeyneyso xiisadda kala dhaxeysa Soomaaliya.

Kenya ayaa sheeganeyso dhul-badeed ay leedahay Soomaaliya oo uu kheyraad ka buuxa, waxaana dhulkan haddii ay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ u xukmiso Soomaaliya uu macnaheedu yahay in Kenya ay weyn doono 26% aagga dhaqaalaha (EEZ) ee hadda ay xogga ku sheegato.

Dowladda Kenya ayaa isku dayeysa inay dowladda Soomaaliya ku cadaadiso wada-hadal si loo baajiyo kiiska maxkamadda ICJ, hase yeeshee Soomaaliy ayaa xalka kaliya ee xiisaddan u aragta go’aanka maxkamadda.

SOMALI NEWS

To Top