WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Khayre oo 2 Sano u buuxsantay iyo qoraalkii ugu horeeyay ee Farmaajo kusoo Magacaabay-Video

Muqdisho (HM)-Maanta oo kale 23 February sanadkii 2017 waxaa xilli subaxnimo ah xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya loo magacaabay Xasan Cali Kheyre, 15 maalin kaddib doorashadii Madaxweyne Farmaajo ee 8 February.

Magacaabidan ayaa u dhacday si lama filaan ah, ka hor inta uusan Madaxweyne Farmaajo u ambabixin dalka Sacuudi Carabiya oo uu martiqaad rasmi ah ka helay Boqorka Sacuudi Carabiya, waxaana qoraal la soo geliyay barta Twitter-ka ee Madaxweyne Farmaajo lagu shaaciyay inuu xilka Ra’iisul Wasaare u magacaabay Xasan Cali Kheyre oo ahaa ganacsade siyaasadda si hoose ugu jiray labadii sano ee u dambeeyay, kana mid ahaa Madaxda shirkadda muranka badan dhalisay ee SOM OIL ee loo heystay arrimo musuq maasuqa.

Inkastoo Magacaabida Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ay aheyd lama filaan, waxaa uu ka soo baxay meel aan la fileyn, sababtoo ah wuxuu ka mid ahaa saaxibada aadka ugu dhowaa Madaxweynihii hore Xasan Sheekh, kana mid ahaa raggii wax ka waday Ololihiisii doorashada, hadana waxay si hoose iskula socdeen raggii ugu tunka weynaa Ololihii doorashada Madaxweyne Farmaajo, waxaa la sheegaa in saaxib dhow ay ahaayeen Fahad Yaasiin oo ay balan wada galeen, ka hor doorashada Farmaajo, waxaa aad loogu tuhmaa xataa inuu ka qeyb qaatay maalgelinta ololaha doorashada.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre waxay labadii sano ee u horeysay ku dhameysteen khilaaf la’aan, iyagoo taariikh cusub dhigay, marka loo eego Madaxweynayaashii iyo Ra’iisul Wasaarayaashii hore oo muddo sanad ka badan aan isla dhameysan, sabab kasta haku dhacdee.

Madaxweyne Farmaajo qudhiisa wuxuu rikoor hoose ka heystaa muddo xileedka xilka Ra’iisul Wasaare, waxaa lagu tilmaamaa Ra’iisul wasaarihii ugu cimriga yaraa ee soo maray dalka burburkii dambe, lix bilood ayuu Xafiiska joogay laga bilaabo October 2010 illaa June 2011.

Xasan Cali Kheyre Labo sano ayaa maanta u buuxsantay xilka Ra’iisul Wasaarenimo, waxaa uu noqonayaa Ra’iisul Wasaarihii saddexaad ee dhameysta labada sano ee ugu horeysay uu Xafiiska joogo.

Cali Maxamed Geeddi ayaa ahaa Ra’iisul Wasaaraha ugu waqtiga dheeraa Ra’iisul Wasaarayaashii soo maray Soomaaliya xilligii Kumeel gaarka, laga soo bilaabo dowladdii lagu soo dhisay Kenya sanadkii 2004, Cali Maxamed Geeddi muddo saddex sano ayuu xilka hayay laga soo bilaabo 2004-2007-dii

Cumar C/rashiid oo labo jeer soo noqday Ra’iisul Wasaare ayaa markii labaad oo xilka Ra’iisul Wasaare loo magacaabay waxaa uu xafiiska joogay labo sano iyo labo bilood (December 2014 illaa February 2017.

Jowhar.com

SOMALI NEWS

To Top