WARARKA SOOMAALI

Xildhibaanada Soomaaliya oo maanta meel mariyey xeerka kuraasta goballada waqooyi.

Muqdisho (HM) – Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyey xeerka kuraasta gobollada waqooyi, kadib kulan ay ku yeesheen xarunya Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Sida uu shaaciyey guddoonka golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana xeerkan ogolaatay illaa 167 mudane, hal xildhibaan ayaa ka aamusay, mana jirin wax diiday xeerkaasi.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulanka ka hadlay ayaa shaaciyey inuu ansax yahay xeerkaasi, isagoona uga mahadceliyey meel marimtiisa xildhibaanada Soomaaliya.

Xeerka kuraasta gobollada waqooyi ayaa ka mid ahaa afarta xeer ee ay soo diyaariyeen guddiga wadajirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa shalay dood adag ka yeeshay xeerkan oo lagu soo dooranayo kuraasta xildhibaanada ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland.

Baarlamaanka Soomaaliya oo ku guda jira Kalfadhigiisa 7-aad oo ah kii ugu dambeeyey ayaa ku howlan howlaha doorashada oo aan weli lagu heshiin nooca la qabanayo.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top