WARARKA SOOMAALI

Deg Deg Daawo:-Soomaliland oo gabi ahaanba qaaday xayiradihii cudurka Coronavirus-Video

Hargeysa (HM)-Soomaliland ayaa goordhoweyd soo saartay go’aamo ay dib ugu fasaxayso dhamaan xayiradihii ay guddiga ka hortaga iyo u diyaar garowga cudurka Covid-19 ay hore usoo saareen.

Somaliland ayaa si cad ugu dhawaaqday inay gebi ahaanba qaaday xayiradahaasi oo ay kamid ahaayeen Duulimaadyada oo muddo badan hakad ugu jiray sababo la xidhidha cudurka safmarka ah ee Coronavirus.

Madaxweyne kuxigeenka maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay fasaxeen Waxbarashadii, Ciyaarihii dhalinyarada iyo weliba Huteeladii lagu caweyn jiray.

Cabdiraxmaan Saylici ayaa sidoo kale sheegay in gebi ahaanba la fasaxay duulimaadyadii, iyada oo sidii hore u shaqeyn doono madaarka Hargeysa ee Cigaal International.

Saylici ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in qofkasta oo kasoo dagaya madaarka Hargeysa looga baahan yahay inuu sito waraaq cadeynaysa inuusan qabin cudurka safmarka ah, midaasi oo uu ku sheegay taxadarka looga dhowrsanaanayo in qof qaba cudurkaasi uu gudaha u soo galo deeganadeeda maamulka.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa bulshada kula dar-daarmay in la muujiyo taxadar dheeraad ah, maadama ay noloshii sidii hore ku soo celisay xukuumada Muuse Biixi sida uu hadalka u dhigay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Mamulka Somaliland ayaa horaantii bishan sii kordhiyey xayiraadaha kala duwanaa ee ay ka mid aheyd duulimaadyadu, midaasi oo ku eekeyd 30-ka bishan, iyada oo maanta sheegtay inay qaaday xayiradahaasi.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top