WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Mucaaradka Soomaliland oo sheegay in Soomaliland la midoobayso Dowladda Federaalka.

Hargeysa ( HM ) Khadar Xuseen Cabdi Xoghayaha Guud  ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ayaa ka hadlay War Murtiyeedka kasoo baxay  Shirkii Jabuuti  Iyo War Murtiyeedkii xalay soo baxay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wuxuu sheegay in  Su’aalo kala duwan kasoo baxeen War Murtiyeedka,  Wuxuuna khaddar si gaar ah u dul istaagay Afar Qodob ayuu sheegay in wax la iska waydiiyo.

Maxaa keenay in shirka oo soo dhamaaday 18-kii Bisha,    Hadaba oo bishu ahayd 22 dib looga soo saaray War murtiyeedka, Wuxuuna is waydiiyey ma guul beenaad  ayaa loo dabaal degay, oo dadka ayaa la bartay  ?.

Khadar Xuseen Cabdi ayaa sidoo kale dul istaagay arinta is dhexgalka, wuxuuna tilmaamay in Dawladda dhexe ee dal leeyahay ay Wax gaar u maamusho, sidoo kalana maamuladu ay jiraan wax gaar ah oo ay Maamulayaan.

“Maxaa kelifaya in wax la wada maamulo” ?  Isku socodka iyo isdhexgalka la Xoojinayo,   waa Tallaabada koobaad ee dalalka lagu mideeyo, waana mid mustaqbalka jidka usii xaadhaysa, iyadoo laga bilaabayo ciyaaraha, iyo wixi lamid ah” ayuu yidhi khadar.

Wuxuu ugu dambayntii soo jeediyey in dadka runta loo sheego, oo markaas kadib ay tashadaan.

Horufadhi News

Khadar Xuseen Cabdi-Xisbiga Wadani.
@Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top