WARARKA SOOMAALI

Maamulada Soomaliland & Puntland oo xiisad ka abuuraya Sool iyaga oo adeegsanaya xubnaha kasoo jeeda.

Laascaanood ( HM)-Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland, Cabdullaahi Cali XirsiTimacadde, oo u jawaabay dhiggiisa Somaliland Saleebaan Yuusuf Koore oo  Puntland eedaymo iyo Hanjabaad u diray.

Saleebaan Cali Koore Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Somaliland ayaa hadalkiisa waxaa kamid ahaa. “Deni waxaa u fiican in uu sibidhkiisii iska iibsado. 200 oo Askari ayuu Somaliland ugu soo hanjabayaa, Somaliland wax way iska celin kartaa cidna waxba ka waydiin mayso xuduudaheeda.” .

Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Puntland, Cabdullaahi Cali XirsiTimacadde ayaa arimahaasi ka hadlaya ayaa Dhankiisa yidhi “Haddii Somaliland isaga bixi waydo dhulka Puntland, dhiig ayaa ku daadan doona,.. Puntland wey isaga filantahay Somaliland, Ciidankii dhowaan Tabarbarka loosoo xidhay waxay ahaayeen ciidan Puntland, Kumanaan ayaa Tababar loo soo xidhay,    Saleebaan Cali Koore waxaa kugu Filan dhibaatada maamulka aad ka tirsan tahay uu ku hayo deegaanka aad kasoo jeedo”

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Somaliland  Reer ayaa leh,  Qoys ayay ahaayeen , Burco ayaa lagu dhisay iyadoo Qoryo dadka lagu hayo, “ Ayuu yidhi Timaade oo Madaxwayne Farmaajo iyo DFS ku eedeeyay taageerada Somaliland.

Labada Wasiir ee Warfaafinta u Qaabilsan Puntland iyo Somaliland ayaa waxay kasoo jeedaan Gobolka Sool,  Waxaana la aaminsan yahay Dhibaatada deegaanka ka taagan inay qayb ka tahay Siyaasiyiinta kala Qaybsan, ee labada dhinac la kala safan, Halka dad badan  dusha ka daawanayaan.

Maamulada Puntland iyo Soomaliland ayaa badanka isku adeegsada xubnaha kasoo jeeda deegaanka inay iyagu isku jawabaan, iyadoo arrintaas dad badan ay ku macneeyeen in maamuladu ay arrintaas uga dan leeyihiin in xiisada deegaanku aysan noqon mid degan isla markaana markasta dhexda kaga jirta isjiid jiid siyaasadeed oo dadka deegaanka la iskaga horkeenayo.

Horufadhi News

Koore iyo Timacadde.
@Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top