WARARKA SOOMAALI

Soomaliland oo ka falcelisay qodobadii ay aqbashay iyo qodob lagu soo daray oo ay diiday-Video

Laascaanood ( HM )-Somaliland ayaa durba waxay ka jawaabtay qodobkii lagu soo daray war-murtiyeedkii xalay saqdii dhexe laga oo saarey shirkii Jabuuti ee wadahadalada dowladda Soomaaliya iyo maamulkaas.

Qodobka lagu soo daray bayaanka ayaa qeexaya in la furay isu socodka labada dhinac gaar ahaan dhaqanka, ganacsiga, waxbarashada iyo cayaaraha. Balse, waxaanan lasoo hadal-qaadin isu gudubka siyaasiyiinta.

Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir [Faratoon], wasiirka arrimaha dibadda maamulka Somaliland, ayaa muujiyey in ay ayidsan yihiin qodobka dheeriga ah.

Isagoo ka jawaabaya waydiin la xidhiidh sababta keentay xilligan in ay ogolaadaan isu socodka labada dhinac xilli ay Hargeysa ku xidhan yihiin fanaaniin kasoo heesay Muqdisho, Faratoon ayaa difaacay talaabada ay qaadeen.

“Marna Somaliland ma diidin is-dhexgalka iyo isu socodka bulshadda iyo wadahadalka; Somaliland waxay diidey isu socod siyaasadeed oo ujeedooyin siyaasadeed iyo khakhal abuuraya loogu soo talagalay, markaa sidaa loo sheegay ee loo balbalaariyey wixii dhaqan ah waa arrimo nabad-gelyo iyo xasilooni,” ayuu u sheegay warbaahinta maxaliga ah ee caasimada Hargeysa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Maamulkan gooni u goosadka ah tan iyo 1991-dii ayaa sanadihii lasoo dhaafay xabsi u taxaabay shaqsiyaad caan ah oo tagay Muqdisho.

Dhanka kale, Faratoon oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu si cad u shaaciyey in ay kasoo horjeedaan qodob kale oo ku jiray bayaanka oo ahaa in guddi loo saarey in ay go’aan ka gaadhaan maamulka hawada.

“Qolada soo saarteyna waan u sheegaynay, wayna qirteen in ay qalad ahayd, wayna sixi doonan,” ayuu raaciyey, isagoo muujiyey in ay kasoo horjeedaan in la adeegsaday eray-bixinta ah “Hawada Soomaaliya”.

Wada-xaajoodyadda Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa waxaa qorshuhu yahay in ay mar kale dib uga bilowdaan isla Jabuuti 45-casho kadib, iyaddoo loogu gogol xaadhayo wadahadal fool ka fool ah.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top