WARARKA SOOMAALI

Soomaliland oo aqbashay qodobkii isdhex galka iyo war cusub oo laga soo saaray shirkii Jabuuti-Akhriso

Jigjiga ( HM ) Guddiga wasiirada ah ee dhawaan lagu dhisay dalka Jabuuti si ay usii joogteeyaan wada hadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa soo saaray warmurtiyeed ka kooban dhowr qodob oo muhiim u ah sii socoshada Shirarka dhab u heshiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxyaabaha ugu badan lasii joogteynayo waxaa kamid ah in aanu go’in wada hadalka, Gargaarka bani aadamnimo, dhaqangelinta ballamadii hore iyo ka fogaanta wax waliba oo dhaawici kara wada hadalka meelaha wanaagsan maraya.

Qoraalkaan oo laga soo saaray dalka Jabuuti xalay saq dhexe waxaa lagu xusay mid kamid ah qodobadii ugu xasaasisanaa ee sababi gaadhay in ay gogosha wada hadalka ku kala kacaan wufuudda labada dhinac.

Warmurtiyeedka waxaa ku xusan qodob ay horay u diidday Somaliland oo ahaa isu socodka iyo Isdhex galka Bulshada, balse ugu dambeyn waa ay aqbalashay.

“Labada dhinac waxa kale oo ay ku heshiiyeen in aan la carqaladayn isku-socodka iyo xidhiidhka labada bulsho ee aan siyaasad iyo siyaasiyiin shaqo ku lahayn ee la xidhiidha dhaqanka, waxbarashada, ciyaaraha iyo ganacsiga, si loo xoojiyo nabadda iyo wada-hadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhinacyada DFS iyo Somaliland waxaa la xasuusiyay in ay maankooda ku hayaan kulanka 15-ka cishe kadib lagu ballansan yahay, si ay uga wada hadlaan arrimo dhowr ah oo ka dhaxeeya labada dhinac.

Horufadhi News

Akhriso Qoraalka

SOMALI NEWS

To Top