WARARKA SOOMAALI

Xildhibaanada Puntland oo ka dhawaajiyey in Puntland ka madax banaannato Soomaaliya-Video

Garoowe  ( HM )-Baarlamanka maamulka Puntland ayaa maanta si adag uga doodday metelaadda gobolka Banaadir ee Aqalka-sare ee Baarlamanka Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Qaar kamid ah mudanayaasha oo golaha ka dhex hadlay ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya,  Madasha Xisbiyada, maamullada Hirshabeelle, KGS iyo Galmudug ku eedeeyey in ay faquuqayaan Puntland iyo Jubbaland. Xildhibaannada qaar kood ayaa soo jeediyey in Puntland ka tashato Soomaaliya isla markaasna ku dhawaaqdo madax-banaani, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Waxaa la  sheegey in Goluhu uu qaraar ka soo saarayo metelaadda gobolka Banaadir, sidoo kalena laga yaabo in xukuumaddu ay iyana caddeyso mowqifkeeda arrintan.

Sharciyan Baarlamanka maamulka Puntland waa hay’ad maxalli ah oo sharci dejinta ugu qaybsan Maamul-goboleedka Puntland oo qura, sidaa darteed xaq iyo sharciyad (madate) uma laha inuu ka hadlo arrinta gobol kale iyo aayaha dadka ku nool, sida aanu Gobolka Banaadirba xaq ugu lahayn inuu ka hadlo arrimaha hoose ee Puntland, metelaadda Gobolka Banaadirna aysan ahayn arrin heer qaran ah ee ay tahay mid maxalli ah oo khuseeysa qofkii Banaadir ku nool, wixii heer qaran ahna waxaa gobollada ku metela xildhibaanno ku kala jira hay’aadka DF Somalia.

Wixii ku saabsan diidmada ama yeelista go’aanka Baarlamanka Dhexe waxaa kaliya lagu diidi karaa geeddi socod siyaasadeed sharci ku fadhiya oo ka dhex dhaca isla hay’aadka DF Somalia.

Xildhibaanada maamulka Puntland ayaa sidoo kale Weerar Qaawan ku qaaday shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, iyagoo eedaymo kala duwan u jeediyey.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top