WARARKA SOOMAALI

Daawo:-xasan Sheekh oo weerar ku qaaday Xukuumadda Farmaajo & guddiga doorashooyinka-Video

Muqdisho (HM)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran oo maanta shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa Muqdisho, ayaa ka hadlay arrimihii shalay ee ka dhacay Golaha Shacabka, sida ansixintii Matalaadda Gobolka Banaadir iyo hadal jeedintii Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka Qaran.


Xasan Sheekh ayaa sheegay in hoggaanka hadda talada haya ay si badheedh ah u diidday labo arrimood oo waa weyn, sida inay si aan qarsoodi laheyd u diidan yihiin nidaamka Federaalka ee Soomaalida ku heshiisay inay dib ugu dhisato dowladnimadeeda.

Sidoo kale waxaa uu xusay hoggaanka dalka ay diidan yihiin qabashada doorasho heer qaran ah oo heshiis lagu wada yahay, si loo helo kalsoonida heer labaad ee Federaalka, oo kala ah dowlad goboleedyada iyo midda saamileyda sida xisbiyada siyaasadeed.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top