WARARKA SOOMAALI

Baarlamaanka Puntland oo ka hor-yimid arrinta G.Banaadir, doorashada Somalia kana hadlay Sool & Sanaag-Video

Garoowe ( HM) –Waxaa maanta kulan deg deg ah Mar kale ku yeeshay Magaalada Garoowe Baarlamaanka Maamulka Puntland, Waxayna ka hadleen  Arrimaha doorashada, Mataalada Gobolka Banaadir la siiyey iyo xeerarka ay an sixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlmaaanka Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

War-Saxaafadeedka ka kooban 13 qodob ayaa qodobada ugu muhiimsan waxaa ka mid ah aysan Puntland marnaba oggolaanayn Xeerarka doorashadooyinka oo ay ansixiyeen Xildhibannada Golaha Shacabka.

Golaha Wakiilada Puntand ayaa waxaa ay sidoo kale ka soo horjeesteen matalaada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare laga siiyay 13 Xubnood.

Waxay markan soo bandhigeen Baarlamaanka Puntland  Arimo la Xidhiidha Gobolada SSC, oo Xukuumadii hore ee Puntland ay dhaafisay inay Aqalka sare kuraas ku yeeshaan.

“Gobolada Banaadir, Sool iyo Sanaag ay xaq u leeyihiin inay helaan matalaada Aqalka sare,iyada oo loo marayo hab raacsan dastuurka dalka.”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Xigasho: Kalshaale.com

SOMALI NEWS

To Top