WARARKA SOOMAALI

Soomaaliya oo xil muhiima ka qabatay Qaramadda Midoobay & Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay-Akhriso

Muqdisho ( HM )-Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya u fadhiya QM Danjire Abuukar Daahir Cismaan {Abuukar Baalle} ayaa loo doortay madaxweyne ku xigeenka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey gaar ahaan fadhi xileedka 75-aad ee golaha.

War kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale Hambalyo loogu diray Danjire Baalle.

Hambalyo Danjire Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) oo loo doortay inuu noqdo Madaxweyne K/Xigeenka Shirweynaha Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, qeybtiisa 75aad.

Saddex sanno oo uu Soomaaliya ku matalaayay Qaramada Midoobay wuxuu muujiyay dadaal dheeri ah, wuxuuna soo nooleeyay diblomaasiyaddii looga bartay Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo Goleyaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya guusha taariikhiga ah ee dhanka diblumaasiyadda, kaddib markii dalkeenna loo doortay Guddoominta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha oo uu weheliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa Mareegaha Internetka kula xiriiray Madaxa Ergeda Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobay Mudane Abuukar Daahir Cismaan oo loo doortay Madaxwayne kuxigeenka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hoggaaminta Soomaaliya ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ay muujineyso ixtiraam iyo qaddarin caalami ah oo uu kasbaday dalkeennu sanadihii la soo dhaafay, taas oo ku aaddan go’aamadeenna arrimaha dibadda, aragtideenna siyaasadeed iyo in shacabkeenna Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin dowladdooda, ayna ka go’an tahay dib u dhiska dalkooda.

“Soomaaliya waxa ay si buuxda ugu soo laabatay fagaareyaasha caalimiga ah, iyadoo ay inaga muuqato firfircooni, hal abuur hoggaamineed, dhexdhexaadnimo, ilaalinta xasilloonida Gobolka iyo ka shaqeynta danaha wadajirka ah ee dhinacyada horumarinta, iskaashiga iyo wax-wada qabsiga.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey diblumaasiyiinta Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay soocelinta maqaamkii iyo doorkii hoggaamineed ee dalkeenu uu ku lahaa caalamka, isagoo u rajeeyey Ergeda Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobey in ay si mugleh uga soo dhalaalaan masuuliyadda adag ee loo doortay.

Arintan ayaa ka dhigan Guul Taariikhi ah waana Markii ugu Horaysay Muddo 33 Sano ah Soomaaliya Xilkan loo doorto.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top