WARARKA SOOMAALI

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo kulan ku yeelanaya Muqdisho

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo sabti ah waxaa la filayaa inay kulan ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay Cudurka halista ah ee COVID-19 oo mar labaad kusoo laba kacleeyay gudaha dalka, lana diiwaan-geliyay kiisas farabadan oo Cudurka ah.

Xildhibaanada Golaha Shacanka ayaa waxaa goorsii horreeysay oo xalay aheyd loo diray farriimo ku aadan in Maanta uu jiro kulan guud, isla markaana looga baahan yahay inay kasoo qeyb galaanka kulankaas.

Saacadaha soo socda ee Maanta ayaa la filayaa inuu si rasmi ah kulanka uga furmo Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, waxaana halkaas kusii qul-qulaya Xildhibaanada Baarlamaanka, si ay uga qeyb galaanka kulanka.

SOMALI NEWS

To Top