WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax saaka aroornimadii ka dhacay degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho kaasoo geystay khasaare nafeed.

Qaraxa oo ka dhacay nawaaxiga Beexaani ayaa waxaa loo adeegsaday miino wadada dhinaceeda la dhigay oo meel durugsan laga hagayey.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas lala beegsaday gaari qooqan ah oo halkaas mareysay taasoo ay la socdeen askar ka tirsan ciidamada dowlada

Goob joogayaal ayaa ku waramay iney arkeen dhaawaca saddex askari oo waxyeelo ka soo gaartay qaraxaas, sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in dad shacab ah oo halkaas ka dhowaa ay dhibaato soo gaartay.

Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobtaas oo dhowaanahay aheyd meel ay ku soo bateen qaraxyada, baaritaano aan la ogeyn in qaraxaas dad loogu soo xiray iyo in kale ayeyna halkaas ka sameeyeen.

SOMALI NEWS

To Top