WARARKA SOOMAALI

Dowladda Somalia oo farriin Tacsi u dirtay Masar, kadib markii lagu le’day…

War-saxaafadeed ku qoran luuqadda Carabiga oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa looga hadlay shil khasaare badan sababay oo ka dhacay dalka Masar.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeysay khasaaraha ka dhashay shilkaas oo Jimcihii shalay ka dhacay magaalada Tahta ee dalka Masar, kadib markii ay isku dhaxeen laba Tareen.

“Soomaaliya waxa ay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Dowladda iyo Dadka aanu walaalaha nahay ee Masar, kadib dhimasho iyo dhaawac ka dhashay shil labo tareen oo iskugu dhacday degmada Tahta ee gobolka Sohag duhurnimadii Jimcaha,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

In ka badan 30 qof ayaa ku geeriyootay, halka 108 qofood oo kalena ay ku dhaawacmeen labada Tareen ee isku dhacday, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda Masar.

SOMALI NEWS

To Top