WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Rag nafta u keenay shacabka Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Ciidanka Booliska ayaa ka war bixiyay Burcad maalmihii ugu dambeeyay siyaabo kala duwan dhac kaga gaysanayay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Afheyeenka Booliska oo shir jaraa’id warbaahinta u qabtay ayaa faah faahin ka bixiyay burcad ay Ciidanka Booliska Gobolka ay siyaabo kala duwan usoo qabteen maal mihii ugu dambeeyay.

Waxaa uu sheegay Afhayeenka Booliska in ay diiwan galiyeen 94 kiis oo la xariirta Burcadda dhaca ka gaysta caasimadda, kuwaasi oo uu sheegay in ay siyaabo kal duwan u diiwaan galiyeen, ayna jiraan sidoo kale kiisas kale oo lagu dabo jiro.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxaa kusoo badanayay dhaca ay rag hubeysan u geysanayaan dad shacab ah ee kunool degmooyinka Gobolka Banaadir, isla markaana ka qaata Telefoonka gacanta.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka ragga burcadda ee lasoo qabtay.

SOMALI NEWS

To Top