WARARKA SOOMAALI

Madaxda Maamul Goboleedyada oo kulan la yeelanaya Wakiilada Beesha Caalamka

Madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed ee dalka iyo wakiilo ka socda Beesha Caalamka, ayaa lagu wadaa in ay magaalada Muqdisho ku yeeshaan maanta kulan ku saabsan qabsoomidda shirka guud ee Arrimaha doorashooyinka dalka

Dhammaan shanta Madaxweyne ee dowlad goboleedyada, ayaa sida la xaqiijiyay kulanka xaadiri doona, si looga heshiiyo Ajandaha shirka guud ee Arrimaha doorashooyinka, kaas oo maalmaha soo socda la filayo in uu ka qabsoomo Muqdisho.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa horay u diiday ka qayb-galka Shirka Arrimaha doorashooyinka, kadib markii sida ay sheegeen aan lagala tashan ajandaha Shirka oo la doonayay in xarunta Afisyooni lagu qabto 22-kii bishan March.

Waxa haatan socda dadaal xooggan oo wakiilada Beesha Caalamku ay ku bixinayaan hirgelinta iyo qabsoomidda shir loo dhanyahay, si heshiis dhammaystiran looga gaaro Arrimaha doorashooyinka dalka.

SOMALI NEWS

To Top