WARARKA SOOMAALI

Xildhibaanada Baarlamaanka oo wada mooshin ka dhan ah faragelinta Imaaraadka Carabta.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wada mooshin ka dhan ah dowladda Imaaraadka Carabta, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay faragelin ku heyso arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Mooshinkan ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda laga furo Kulanka Baarlamaanka, si Xildhibaanada ay uga doodaan.

Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo ka tirsan Xildhibaanada ayaa xaqiijiyay inuu socda qorshaha mooshinka ay wadaan Xildhibaanada qaar.

“Mooshin laga wado Imaaraadka Carabta laga wado ayaa maqlayay, oo la leeyahay waxay ku xadgudubtay siyaasada Soomaaliya, oo faragelin ayay arrimaha gudaha ka wadaan, waana arrin fiican in dowlad kasta oo Soomaaliya soo farageliso in magaceeda laga muujiyo Baarlamaanka”ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil.

Bilo ka hor ayay aheyd markii Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay mooshin ka keeneen Saldhiga Milateriga ee Berbera, iyadoo markii dambe mooshinkaas hoos loo dhigay.

Imaaraadka Carabta ayaa sanadihii u dambeeyay si weyn ugu lug lahaa siyaasada Soomaaliya, iyadoo Safiirka u jooga Soomaaliya Danjire Maxamed Al-Cusmaan uu si aad ah ugu milmay siyaasada gudaha, isla markaan xiriiro dhow la lahaa siyaasiyiin iyo madaxda maamul goboleedyada dalka.

Madaxda Maamul goboleedyada ayaa dhowaan soo saaray go’aano ay ku taageerayaan Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, kaddib markii dowladda Federaalka ay mowqif dhex dhexaad ah ka qaadatay xiisada khaliijka.

[email protected]

SOMALI NEWS

To Top