WARARKA SOOMAALI

Xiisad ka taagan Magaalada Boorame iyo dhaawacyo ka dhashay Mudahaarad dhacay-Akhriso

Boorame  ( HM)-Ciidamada Somaliland ayaa  Lagu Amray Inaanu  Xuduudka dhinaca  Itoobiya Kasoo Gudbin Ugaaska Guud ee Beelaha Gadabuursi Iyo Wafti Uu Hogaaminayo oo Saaka Ka Soo Baxay Magaalada Jigjiga, Kuna soo jeeday Gobolka Awda.

Wararka aan Helayno ayaa waxa ay sheegayaan in Ugaaska iyo waftigiisa ay ka noqdeen xadka magaada Aw-bare sidoo kale ay somaliland ciidamo tiro badan oo isku jira milatari boolis iyo kuwa loo yaqaabo RRUda gaysay xadka dhinaca Itoobiya.

Dhinaca kale magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal ayaa waxaa ka Bilowday Banaanbaxyo Looga soo horjeedo Tallaabada dib loogu celiyey Ugaaska guud ee Beelaha Gadabuursi (Samaroon).

Hal Ruux ayaa inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay iska hor imaad ka dhex socda dadweyne gadoodsan oo soo dhoweynayaa Ugaaska guud ee Beelaha Samaroon iyo Ciidamada Somaliland oo diiday in uu dhinaca xuduuda Itoobiya kasoo galo dalka.

Xukuumada Madaxweyne Biixi ayaa bixisay amarka lagu  joojiyey inuu yimaado Ugaasku, sida uu warbaahinta usheegay Gudoomiyaha Ucid Eng Faysal Cali Waraabe.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top