WARARKA SOOMAALI

Garoowe Deni iyo Axmed Madoobe oo war kasoos saaray arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya-Video

Garoowe ( HM)-Waxaa Goor dhowayd War-Murtiyeed laga soo saaray kulamadii maalmihii lasoo dhaafay magaalada Garoowe uga socday Madaxda Puntland iyo Jubbaland.

Shirkan wadarashi oo ay hoggaaminayeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Saciid Cabdulaahi Deni iyo Axmed Madoobe ayaa looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, waxaana shirka isugu jiray dhowr qeybood oo Guddi farsamo heer Wasiiro ah ay ka shirayeen qodobada ay ka wada hadlayaan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

War murtiyeedka ayaa lagu sheegay intii shirka u socday ay wada hadalo khadka taleefanka la galeen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada, si xal mideysan loogu heli lahaa xaalada siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale war murtiyeedka ayaa lagu qeexay in shir wadatashi ah la isugu imaan doono  magaalada Muqdisho si loo gaadho xal siyaasadeed oo la isku waafaqsan yahay qabsoomida doorashada 2020/2021.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top