WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Sheekh Dirir oo gaadhay Buuhoodle iyo soo dhaweynta uu kala kulmay-Video

Buuhoodle ( HM ) Waxaa maanta magaalada Buuhoodle si wayn loogu soo dhoweeyay Sheikh maxamed Cumar Dirir iyo  Sh. Xasan Sh. Cali Warsame oo kamid ah Culimada soomaaliyeed.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Soo dhowaynta Wafdiga Culimada ah ayaa waxaa ka Qayb galay Culimada deegaanka, Waxgaradka Buhoodle, Bahda Jaamacadda Bariga Afrika ee Buuhoodle iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Sh. Axmed Jaamac Ismaaciil Mirre iyo Dr. Cabdi Shaafi ayaa ugu horayn madasha kusoo dhoweeyay Wafdiga Culimada ah, Waxaana sidoo kale laga waramay Taariikhda faca wayn ee Buuhoodle iyo Doorkii ay ku lahayd Halganka diinta Islaamka iyo dagaalkii ay la galeen Gumaystaha.

Intaasi kadib waxaa madasha ka hadlay Sheikh maxamed Cumar Dirir oo ka mahad celiyey soo dhowaynta Reer Buuhoodle uu kala kulmay, Wuxuuna sheegay inay ugu dambaysay 1995-tii.

“Buuhoodle waxaa iigu dambaysay 25-Sanno ka hor,  magaaladu intan way ka yarayd, waxaa muuqata in hada ay caasimad noqotay, Farxad ayay ii tahay inaan imaado, Halkan waxaa ka muuqda Jacayl Ehelnimo iyo Mid Diimeed, waxaa Culimada loosoo dhoweeyay si ka wayn maamulada sida loosoo dhowayn jiray”. Ayuu yidhi Sheikh Dirir.

“Waxaad caan ku tahihiin Gobonimada, Sharafta, Soo dhowaynta iyo Madaxnimada, waana idinka gudoonay soo dhowaynta alle ha idin barakeeyo”. Ayuu kusoo xidhay hadalkiisa sheikh dirir.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top