WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay ee Garoowe kulamada Axmed Madoobe iyo Deni.

Muqdisho ( HM ) Madaxda maamul gobaleedyada Jubbaland iyo Puntland oo Shir uga socday magaalada Garoowe ayaa lagu wadaa inay soo saareen Warsaxaafadeed ku wajahan xaaladda Doorashooyinka ee dalka, Waxayna sidoo kale ku cadayn doonaan  mawqifkooda siyaasadeed ee kuwajahan arrimihii kasoo baxay Shirkii Dhuusa-Mareeb3 iyo qodobada ay wax ka bedel ku samayn doonaan.

Talaabada koowaad dhinacyadu, waxay u muuqdaan in ay diyaar u noqdeen meelmarinta noocii doorasho ee lagu go’aamiyey Dhuusa-Mareeb3, laakiin doodo ay ka qabaan qodobada qaarkood oo ay soo jeedinayan in wax ka bedel weyn lagu sameeyo.

Wada hadalo ay dhinacyadu lahayeen saacadihii u dambeeyey ay kasoo baxeen qodobo ku wajahan arrimaha heshiiskii lagu gaaray magaalada Dhuusa-Mareeb3.

Dhinaca kale waxaa la filayaa in Madaxwayneyaasha Puntland  iyo Jubbaland Siciid deni iyo Axmed Madoobe ay Safar ku tagaan magaalada Muqdisho,  iyagoo kulan la yeelan doona Madaxwaynaha DF Soomaaliya,  Waxayna Wararka qaar sheegayaan inuu kulankaasi Qabsoomi doono maalinta Jimcaha.

Soomaaliya ayaa gashay Xaalad Siyaasadeed kadib markii ay soo dhowaatay Wakhtiga doorashadu, waxaa sidoo kale aan meesha ka maqnayn oo isha lagu hayaa magacaabista raysal wasaaraha cusub, kadib markii Baarlamaanku eryay Raysal wasaarihi hore  Xasan Cali Khayre.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top