WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Puntland Deni oo sheegay inuu tagayo Muqdisho & rejada uu ka muujiyey Shirka-Video

Muqdisho ( HM)-Madaxwaynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi deni ayaa ka hadlay Shirkii ugu soo dhamaaday Garoowe madaxda Jubbaland iyo Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wuxuu sheegay in shirkii garoowe ka dhacay uu ahaa sidii loo adkayn lahaa iskaashiga Puntland iyo Jubbaland iyo sida Aragti midaysan looga yeelan lahaa xaalada Siyaasadeed ee dalka.

Wuxuu rajjo Wanaagsan ka muujiyey shirka ka dhici doona magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay inay ka Qayb geli doonaan Shirkaasi.

Garoowe waxaa maanta shir ugu soo dhamaaday madaxda Puntland iyo Jubbaland oo ka Arisan xaalada Siyaasadeed ee dalka iyo go’aanadii ayna Qaybta ka ahayn ee kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb.

Marka loo Fiirsado hadalka ay jeediyeen waxay u muuqataa inay kasoo debceen Halkii ay markii hore taagnaayeen.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top