WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Ugaaska Guud ee Gudebiirsey oo sheegay in dadkiisa la haysto-Video

Boorame (HM)

Boorame ( HM)-Ugaaska Guud ee Beesha Gadabuursi (Samaroon)  Ugaas Cabdirixiin Ugaas Rooble  Ayaa sheegay  in Isbaaro loo dhigtay, isagoo donayey inuu Booqasho ku tago magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal. Kadib markii ay dhowaan hor istaageen ciidamada Somaliland.

“Shacabkii Rasaas ayaa loo adeegsaday,  waxaan leeyahay maanta Dadkaygoow la haystayaal ayaad tihiin, Waxaana dhibaatadaas inoogu wacan waa kala Qaybsanaanta ,  Waxaan leeyahay Midooba, Dulmigaa idin haysta ka midooba, Waxaan alle uga baryayaa inuu caafimaad siiyo dadka dhaawaca ah, kuwa dhintayna alle ha u naxariisto “ Ayuu yidhi Ugaas Cabdirixiin Ugaas Rooble.

Ugaas Cabdirixini wuxuu sheegay inaanu Cidna u daba Fadhiisan doonin  inuu tago gobolka uu kasoo jeedo, wuxuuna sidoo kale dhaliilo u jeediyey Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

“Cid uma daba Fadhiisan doono inaan imaado meeshii aan ku dhashay oo Muuse Biixi Ergo la iigu diro, maaha mid  aan Aqbali doono, dadkaygu waa inay dulmigan ka midoobaan.”

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Waxaan sheegayaa  in SNM iyo Muuse Biixi maanta ka masuul iyihiin waxa dhacay,  Dhibaatadii dhacday isaga ayaa ka masuul ah, waana la xisaabtami doonaa, taariikhduna way Qoraysaa, inta dhaawaca ah alle ha caafiyo “ Ayuu yidhi Suldaanku.

Ciidamada Somaliland ayaa dhowaan dhinaca Xadka itoobiya ka celiyey Ugaaska oo doonayey inuu booqasho ku yimaado gobolka Awdal.

Magaalada Boorame ayaa sidoo kale waxaa ka dhacay Banaanbaxyo Rabshado watay oo looga soo horjeeday go’aanka lagu celiyey ugaaska guud ee beesha Samaroon.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top