WARARKA SOOMAALI

Xiisad Dagaal oo u dhaxaysa Puntland,Somaliland iyo Khaatumo oo ka taagan Deegaano ka tirsan Sool iyo Sanaag,Warbixin Xasaasi..

Wararka ay shabakadda Horufadhimedia ka helayso Deegaano ka tirsan Gobalka Sool iyo waliba qaybo kamid ah Gobalka Sanaag ayaa sheegaya in ay halkaas ka socdaan xiisado coladeed oo sadex geesood ah kuwaas oo u dhaxeeya Maamulada Puntland iyo Somaliland iyo waliba sida aan wararka ku helnay Ciidamo la sheegay in ay ka amar qaataan  Jamhadda Xoreynta Khaatumo.

Wararku aan helayno ayaa sheegaya in Degmada Taleex ee Gobalka sool ay tahay bartilmaameedka colaadan sadex goosoodka ah.ee laga cabsi qabo in ay ka dhex qaraxdo ugu horay maamulada Somaliland iyo Puntland kadibna Jamhadda Xoreynta Khaatumo. ay iyana ay ka faa,iideysanayaan Fursadaas.

Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa mudooyinkii u danbeeyay waxaa ay hawadda isku marinayeen Hajabaad iyo hadalo culus .kadib markii Baarlamaanka maamulka Puntland ay qalinka ku duugeen in aysan Doorasho Somaliland ka dhicin Deegaanada Sool,Sanaag iyo ceyn.

Dhanka kale Maamulka Somaliland oo maalmo kaliya ay uga hadhsan tahay in ay doortaan Madaxweyne ayaa wajiyadii ugu danbeeyay ee olalaha waxaa uu ka wadaan guud ahaan deegaanada Somaliland,sidoo kale waxa ay olalohoodu gaadhay deegaanada Fog ee Gobalka sool sida ,Qorilay,Saaxdheer,Kalabeydh,Karin iyo Deegaano kale oo dhaca Koonfurta Gobalka Sool taas oo sii hurisay coladaa iyo Xiisadi u dhaxaysay Maamulka Somaliland.

Balse meesha kaliya ee maanta Cabsida xooggan ee dagaal laga qabo sida Horufadhimedia ay xogta ku heshay waa Taleex ,Maamulka Puntland ayaa soo dhoobay duleedka Beri ee Degmada Taleex Boqolaal ciidamo ah kuwaas oo goor kasta duulaan ku soo qaadi kara Taleex marka la gaadho xiliga Doorashada maamulka Somaliland.

Xubno kala duwan oo ka tirsan Maamulka Somaliland ayaa siyaabo  isku mid ah uga jawaabay Hadalka Xildhibaanadda Maamulka Puntland ee ah in la difaaco Sool si aysan doorasho uga dhicin ,waxaana ay dhamaantood si adag u sheegeen in Somaliland ay haysato Difaac ku filan in ay Sool iyo Sanaag ka qabsoonto doorasho balse hadalaad wali kama soo jawaabin Puntland.

La soco Xiisadaha ka soo cusboonaaday Sool-Horufadhimedia.com

SOMALI NEWS

To Top