WARARKA SOOMAALI

Daawo:Sadexda Musharax ee Maamulka Somaliland iyo mid kasta wuxuu ka qabo Midnimada Somalia,Muuse Biixi iyo Ciro oo-Video

Iyadoo ay maalmo kaliya ay ka hadhsan tahay Doorashada Maamulka Somaliland taas oo uu Maamulkaas ku dooranayo madaxweynihii hogaamin lahaa shanta sano ee soo socota Maamulkaa Somaliland ayaa waxaa loo qabtay sadexda Musharax oo kala ah Muuse Biixi,Faysal Cali Waraabe Cabdiraxmaan ciro.

Idaacadda VOA ee ku hadasha Codka Mareykanka ayaa waxaa ay Hargeysa su,aalo ku waydiisay sadexda Musharax mid kastaa wuxuu ka hadlay waxyaabaha oo ka qaban doono iyo wuxuu ka yeeli doono Midnimada Soomaaliya iyo arrimo kale.

1: Cabdiraxmaan Ciro oo ah Musharaxa Xisbiga Wadani ee Maamulka Somaliland wuxuu ku adkaysanayaa haddii uu talada iyo hogaanka Maamulka Somaliland qabto kaliya wuxuu ku qancaa in Somaliland gooni uga goosato Soomaaliya inteeda kale.sidoo kale ciro wuxuu taagan yahay in uu khiyiaamo iyo Been abuur ahaa Heshiiskii Dekedda Berbera ee Imaaraadka lagu wareejiyey.Taas oo aan la ogeen haddii uu noqdo Madaxweyaha Maamulka Somaliland wuxuu ka yeeli doono.

2:Faysal Cali Waraabe oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Ucid wuxuu taagan yahay marka uu ka hadlayo Midnimada Soomaaliya in uu wada hadalku gacantiisa kusoo wareegi doono,wuxuu sidoo kale ka hadlay arrimaha Sool iyo Sanaag.

3:Muuse Biixi oo ah Musharaxa Xisbiga Kulmiye ee maamulkaas 7sano ee lasoo dhaafay deegaanadaas hogaaminayey,wuxuu markuu ka hadlayo midnimada Somalia la qabaa Cabdiraxmaan ciro.Halka uu heshiiska Dekedda Berberana uu yahay sax isla markaana uuba yahay xukuumadii wareejisay.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

 

 

SOMALI NEWS

To Top