WARARKA SOOMAALI

Xiisad Dagaal oo ka taagan Deegaano ka tirsan Gobalka Sanaag iyo wararka ka imaanaya Maanta…

Wararka Saaka laga helayo gobolka Sanaag gaar ahaan deeganaadii shalay dagaalku ka dhacay ayaa sheegaya in xiisad dagaal ay ka taagan tahay deegaano ka tirsan gobolkaasi saaka isla markaana mar kasta laga cabsi qabo dagaal.

Waxaana xiisadan ay u dhaxeysaa Maleeshiyo Beeleed kasoo kala jeeda Beelaha Habar-yoonis iyo Habar-jeclo oo wada degga deegaanka Darar-Weyne ee gobolka Sanaag.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Xiisadani ay Salka ku heyso dilal la xariira Aanooyin Qabiil  oo soo noqnoqday isla markaana ka dhacay deegaanadaas.

Balse Odayaasha Dhaqanka ee Maamulka Soomaaliland ayaa la sheegay in ay wadaan dadaalo Nabadeed oo ku aadan , sidii xal looga gaari lahaa colaadaasi.

Waxaana shalay dagaal xoogan uu ka dhacay deegaankaasi Darar-Weyne, kaas oo ay  ku dhinteen 10 Qof, halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen.

SOMALI NEWS

To Top