WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Wasiir ka tirsanaa Xukuumaddii Riyaalle“Si aan aqoonsi u helno,waa inaan Garoowe Tagnaa,,-Video

Kaahin Siciid Sulub Maxamed oo kamid ahaa Golihii wasiiradda ee Xukuumadii Daahir Riyaalle ee Maamulka Somaliland isla markaana ugu magacaabnaa Wasiirka  Wasaaradda Howlaha guud ayaa ka hadlay Xiisadda ka dhaxaysa Maamulada Puntland iy Somaliland.

Kaahin ayaa ku taageeray Ciidamadda Maamulka Somaliland tagi taanka ay tageen Degmadda Tukaraq isaga oo ku tilmaamay sharci waxaana uu intaas raaciyey in ay gaadhayaan ilaa xuduudka Somaliland sida uu hadalka u dhigay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaana uu shegay in uu isagu 2007 ciidanka Geeyay Deegaanka Ganbadhe ee Gobalka Sool isla markaana uu ku faraxsan yahay gaadhida ay gaadheen Tukaraq waxaana uu weerar dhanka ah Afka ah ku qaaday Dowladda Somaaliya iyo Maamulka Puntland.

SOMALI NEWS

To Top