WARARKA SOOMAALI

Xasan Culusow Ninkii ku Fashilmay Siyaasada Soomaaliya oo wali aan Quusan iyo Fariin uu Mareykanka u diray-Warbixin

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ka codsaday dowlada Maraykanka in ciidamadeeda ay mihiimada koowaad siiyaan sidii ay uga fogaan lahaayeen in dad rayid ah ay waxyeelo ka soo gaarto  amarada uu bixiyay Madaxweynaha Maraykanka Trump ee fasaxayay in la weeraro Al-Shabaab.

 

Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyay wargeyska Newsweek oo ka mid ah wargeysyada ugu waa weyn ee Mareykanka ayaa wax laga weydiiyay oggolaanshaha uu Madaxweyne Trump oggolaaday in weeraro xoog leh lagu qaado Al-Shabaab, kaasoo ay wasaarada gaashaandhiga Maraykanka shaacisay bishii March 30-keedii, waxaana shaki laga muujiyay in weeraradaas ay galaafan karaan dad rayid ah.

“Waa in laga feejignaadaa in dadka rayidka ah waxyeelo ka soo gaarto haddii dad rayid ah ay ku waxyeeloobaan weerarada uu amray Trump waxa ay horseedi kartaa in ay ka faa’ideystaan Al-Shabaab oo ay dhalinyaro hor leh ku biiraan.”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in xilligii uu madaxweyne ka ahaa dalka Soomaaliya waxyeelada soo gaarta dadka rayidka ah weerarada ay qaadaan ciidamada Maraykanka ay aad u yareyd, ayna ciidamada Maraykanka sanadkii 2015 iyo 2016 ay howlgalada ay ka sameeyeen dalka Soomaaliya uu ahaa mid ay ciidamada dowlada Soomaaliya kala qeyb galayeen.

Xasan Sheekh Maxamuud oo loogaga guuleystey doorashadii bishi Febraayo ka dhacday Soomaaliya, hadana ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa ku taliyay in Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo dhiggisa Trump ay xiriir joogta ah yeeshaan, waxaana uu ugu baaqay dowlada Maraykanka inaysan ciidamada Maraykanka howlgalo aysan ka qeybqaadan ciidamada Soomaaliyeed ay ka fuliyaan dalka Soomaaliya.

“Waxaan hubaa in haddii ay ciidamada Maraykanka howlgaladooda ay ka qeybgalaan ciidamada Soomaaliya in waxyeelada soo gaarta dadka rayidka ay aad u yaraanayso, balse haddii ay howlgalo ciidamada Maraykanka oo kaliya ka sameeyaan dalka Soomaaliya waxaa dhici karta in qalad badan uu dhaco ayna dabin ku dhacaan,”ayuu yiri Xasan Sheekh.

Ciidamada Maraykanka ayaa howlgalo milatari ka fuliyay dalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007-dii, waxaana la xaqiijiyay inay 37 jeer howlgalo ka fuliyeen dalka Soomaaliya, iyadoo ay weerarada ku qaadeen Al-Shabaab ay ku dhinteen inkabadan shan boqol oo ruux oo ay konton ka mid ah ahaayeen dad rayid ah.

Wararka Horufadhi.com

SOMALI NEWS

To Top