WARARKA SOOMAALI

Daawo:Qaabkii uu u dhacay Xukunka Wariye Coldoon iyo Maamulka Siilaanyo oo Xadhiga Coldoon ku maamuusay Itoobiya-Video

Maxakamada Hargeysa ayaa  soo gaba gabayay Dawacwad maamulka Somaliland ku haystay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo mudo laba Bilood ah ku xidhnaa jeelka weyn ee Magaalada Hargeysa.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Maxakamadda Hargeysa ayaa ku dhawaaqday in Wariye Cabdimaalik ay ku riday Xukun labo sano oo xabsi ah, Qareenada u doodanaaya ay sheegayaan inay racfaan ka qaadanayaan xukunka waxaa ay ku tilmaameen Sharci daro, Sidoo kalana lama iibsan karo  Xukunka ka badan Hal-sano.

Maamulka Somaliland ayaa Wariye Coldoon ku eedeeyay in uu ku xad gudbay  Jiritaanka Somaliland,  Waxaana laga qabtay Garoonka Magaalada Hargeysa ka dib markii uu ka laabtay Muqdisho , islamarkaana uu taageero u muujiyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Wararka [email protected]

SOMALI NEWS

To Top