WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:Maamulka Siilaanyo oo Cadho kula Dul dhacay Wariye Coldoon iyo Xukun laba Sano ah oo hada ku riday Maxakamada Hargeysa…

Maxkamad ku taalla Magaalada Hargeysa ayaa wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ku xukuntay xabsi dhan 2 Sano.

Wariyaha ayaa Saaka waxaa lasoo taagay Maxkamad ku taalla Magaalada Hargeysa.

xeer ilaalinta  dacwada ku soo oogtay  Wariyaha ayaa sheegay inay laba sanno ka yartahay inta uu u qalmo in lagu xukumo halka ehelkiisa iyo qareenada u doodanaaya ay sheegayaan inay racfaan ka qaadanayaan xukunka waxaa ay ku tilmaameen Sharci daro.

Wariye Coldoon ayaa lagu eedeeyay in uu  ku xad gudbay Jirintaanka Somaliland.

 Somaliland ayaa horay u sheegtay in Wariyaha ay Maxkamadeyn doonto , islamarkaana ay sharciga Marsiin doonto ka dib Markii ay sheegeen in uu ku xadgudbay Qaranimada Somaliland.

Wariye Coldoon ayaa laga qabtay Garoonka Magaalada Hargeysa ka dib markii uu ka laabtay Muqdisho , islamarkaana uu taageero u muujiyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

SOMALI NEWS

To Top