WARARKA SOOMAALI

Daawo:Maamulka Garoowe oo meel Fagaare ah ku Xasuuqay Carruur yar yar oo aan waxba Galabsan iyo Cabdiweli Gaas oo Dhiiga Shacabka ka taajiray-Video

Duleedka Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari waxaa xukun dil ah lagu fuliyay 5 dhalinyaro ah oo horey Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Puntland ay ugu xukuntay Dil toogasho ah.

Dhalinyarada la toogtay ayaa waxaa horey loogu eedeeyay in ay dilal qorsheysan ka fuliyeen Magaalada Boosaas islamarkaana lagu soo qabtay Howlgal gaar ah oo ka dhacay Xaafadaha Magaalada Boosaaso.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Guddoomiyaha Maxkamadda Col. Cabdiftaax Xaaji Aadan, ayaa sheegay in dhalinyaradan ay ka damebyeen dilal masuuliyiin iyo ciidamo ka tirsan Puntland in ay ku toogteen Bartamaha Magaalada Boosaaso iyaguna saakay xukunkii lagu fuliyay.

Wararka Horufadhi.com

SOMALI NEWS

To Top