WARARKA SOOMAALI

Xalka Khilaafka Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu dhawaaqay iyo sida lagu kala baxayo-Akhriso

Iyadoo labadii habeen ee la soo dhaafay ay socdeen kulamo xal loogu raadinayay khilaafka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo saameeyay hey’adaha dowladda, isla markaana curyaamiyay howlihii socday, kaddib markii khilaafka ay si toos ugu milmeen Hey’addaha Fulinta iyo Sharci dejinta.

Waxaa muuqata in aan weli xal dhow la gaarin, hase ahaatee dadaaladan bilowday waxay suura geliyeen inay yaraadeen xiisadihii labada dhinac wadeen iyo dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee iska horjeeday.

Wararka ayaa sheegaya in xalka ugu dambeeya ee laga gaarayo mushkilada taagan loo mari doono qaabab kala duwan, iyadoo aan wali mid la isku raacin, balse ay u badan tahay inay mid ku soo biyo shuban doonto.

Guddi 7 xubnood oo uu magacaabay Guddoomiye Jawaari oo shalay u tagay Madaxweyne Farmaajo ayaa u gudbiyay labo qodob oo kala ah qaabka loo wajahayo xal u helida khilaafka, waxaana ay kala ahaayeen:-

1- In Sanduuq cod bixin lagu kala baxo, lana geeyo goob dhex dhexaad, si daah furan u dhacdo

2- In xal mastuur ah ama xeer jajab lagu dhameeyo khilaafka siyaasadeed

Labada qodob ayaa ahaa la sheegay inay Beesha Caalamka ay ku cadaadiyaan labada dhinac, si sharci loogu kala baxo, gaar ahaan waxa uu ka qabo dastuurka KMG.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Guddigii shalay la kulmay ka dalbaday inay marka hore is arkaan isaga iyo Guddoomiye Jawaari, si ay uga wada hadlaan arrimahan.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka Madaxweynaha iyo Guddoomiye Jawaari ee lagu waday in xalay uu dhaco uu baaqday, balse laga yaabo in maanta ama caawa ay kulmaan.

Dhinaca kale warar laga helayo ilo ku dhow dhow Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Muudey ayaa sheegaya in la soo magacaabay 7-da xubnood ee guddigii waan waanta, oo aan shalay dhankooda laga soo magacaabin, taasoo loo arkayay in Madaxtooyada la wareegtay doorka waan waanta iyo dadaalada socday

Waxaa la filayaa in Guddiyada labada dhinac ka socda in maanta kulmaan, si loo sii ambaqaado dadaalada iyo waan waanta laga galayo xal u helida khilaafka.

Dadka odorasa siyaasadda ayaa aaminsan in labada qodob ee ka yimid dhanka Taageerayaasha Jawaari ay noqon karaan kuwo culeys ku ah Xukuumadda, marka loo eego haddii ay timaado wada hadal lagu dhameeyo khilaafka iyo hadii sanduuq cod lagu kala baxayo oo meel dhex dhexaad la aadayo, taasoo sida kaliya ee Jawaari xilka looga tuuri karo ay noqoneyso Saddex meel labo meelood oo ah 184 cod oo aanay sahleyn..

SOMALI NEWS

To Top