WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Tababarka Ciidamada Soomaaliya lagu siiyo Saldhigga Milateri ee Turkiga-Video

Warbaahinta Turkiga ayaa markii u horeysay muuqaal iyo warbixin ka soo qaaday Saldhigga Milateri ee Turkiga ku leeyahay Muqdisho, halkaasoo lagu tababaro Ciidamo Soomaali ah.

Saraakiil ka tirsam Milateriga ayaa Tababaro xirfadooda sareyso siiya Ciidamada Soomaalida ee ku jira xeradaas, kuwaasoo qaab casri loo tababaro.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Qaar ka mid ah Ciidamada la tababarayo oo ah dhalinyaro ayaa soo bandhigaya dhoolatusyo iyo wixii ay ka kororsadeen tababarkii la siiyay, qaarkood ayaa sameynaya dab rid iyo iyagoo sida inay goob dagaal ka dagaalamayaan.

Ciidamada ayaa la barayay qoryaha kala duwan ee casriga, sida toogashada iyo habka wax loo rido.

Tababarkan ayaa dhowr nuuc isugu jira, waxaa qaarkood la siinayaa casharo habka milateri, waxaa ka dhex muuqda in Dhalinyarada Soomaalida iyo Saraakiisha Turkiga ay aad isu dhex galeen oo is fahmeen.

SOMALI NEWS

To Top