WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:-Cabdiweli Muudey oo ku dhawaaqay wakhtiga la qabanayo Mooshinkii ka dhanka ahaa Jawaari-Akhriso

War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Sheekh Ibraahim Muudey uu daqiiqado ka hor farriimo qoraaleed u diray Xildhibaanada, kaasoo lagu wargelinayo Xildhibaanada in maalinta berri oo Isniin ah uu jiro kulanka Baarlamaanka ee ajandihiisa yahay Mooshinka ka yaalla Guddoomiye Jawaari.

Sida wararka sheegayaan farriimo qoraalkan ayaa la soo diray, xilli kulan albaabada u xiran ay lahaayeen Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Jawaari, kaasoo qeyb ka ahaa dadaalada iyo waan waanta la doonayo in xal looga gaaro khilaafka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in garabka uu hoggaaminayo Guddoomiye kuxigeenka 1aad ay diidan yihiin waan waanta iyo dadaalada socda, iyadoo farriintan u muuqato mid xagal daacineysa dadaalada uu wado Madaxweynaha ee xal ka gaarista mushkiladan daba dheeraatay.

Ilo ku dhow dhow Xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegaya in xaalada shalay illaa xalay u muuqatay mid degan, isla markaana ay yaraatay xiisadihii maalmihii la soo dhaafay jiray, hase ahaatee farriintan ka timid dhanka Guddoomiye kuxigeenka 1aad ay sii xoojin karto karto is-maandhaafka u dhaxeeya Golaha Shacabka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay in habeen hore uu baajiyay kulankii shalay oo sabti ahaa ay qaban qaabinayeen dhanka Guddoomiye C/wali Muudey oo qorshahooda ahaa inay qabtaan kulanka Baarlamaanka.

Lama oga halka ay ku dambeyn doonto xaalada, waxaase muuqata in kala aragti duwanaan ka dhex jirto xubnihii mooshinka waday oo aan ku qanacsaneyn dadaalada iyo waan waanta labadii cisho ee u dambeysay socotay.

SOMALI NEWS

To Top