WARARKA SOOMAALI

Laascaanood Dilalka lagu beegsanayo Hal-doorka Gobalka oo soo xoogaystay iyo Doorka Maamulka Somaliland-Akhriso

Magaalada Lascaanood ee xarunta Gobalka Sool xalay waxaa ka dhacay dil naxdin badan kadib markii kooxo hubaysan ay bartamaha suuqa Magaalada Laascaanood ku toogteen Ganacsade caan ka ahaa guud ahaan Gobalka Sool gaar ahaana magaalada Laascaanood.

Kooxo hubeysan ayaa xalay saladii cishe markii laga soo baxay waxaa ay  Bartamaha Suuqa ku toogteen Ganacsade Maxamed Cabdi Timir oo kamid ahaa Ganacsatada ugu caansan Magaalada Laascaanood,Dablay Hubaysan oo wata baabuur ayaa rasaas ku furay Marxuumka xili uu Saladda Cishe kasoo baxay isla markaana uu hor joogay Maheradiisa oo Bartahama Suuqa ku taalla halkaas oo uu ku geeriyooday,Dablaydii dilka gaysatayna ay goobta ka baxsadeen.

Dilka ayaa waxaa uu ahaa mid aad looga wada naxay isla markaana guud ahaan dadka deegaanku ay ku tilmaameen dhacdo xanuun badan oo aad looga naxay,mid kamid ah Dadka deegaanka oo aan xalay Goor sii horaysay la hadlaya ayaa ii sheegay in Dhacdadan ay ahayd tii ugu naxdinta badneyd maadaama uu Ganacsadahan aad caan uga ahaa Deegaanka isla markaana uu ku jiray Dadka marka dhanka ganacsiga iyo muuqaalka deegaanka la dhaho ugu tudh tudha roonaa.

Dilalka Qorshaysan ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay kusoo badanayey magaalada Laascaanood, Waxaana Taasi dhinac socday Kuwa salka ku haya Aano Qabiil oo lagu beegsado Qofka ugu Qiimaha badan Reerka wax laga Tabanayo Taasi horseeday in indhaha la iska tuuro.

Ilaa hada si rasmiya looma cadayn cida Fulisay dilkaasi, Goobjooge ku sugan Laascaanood ayaa Warbaahinta u sheegay inay u badan tahay  Arin salka ku haysa Aano Qabiil.

Dilka Ganacsadahan ayaa sidoo kale waxaa uu kusoo beegmayaa iyadoo sanadkii 2016 sidan oo kale ay kooxo Hubaysan dhaawac halis ah u gaysteen gudoomiyihii hore ee Shirkadda Telesom ee Laascaanood   cabdirisaaq Axmed Warsame ”Dhabayaco,sidoo kalena ahaa dadka ganacsatada ah e ugu caansanaa Gobalka in kasta oo uu dilkaaska badbaaday.

Waxgaradka gobolka Sool ayaa horay Somaliland ugu eedeeyay inay dadka dilka gaysta Xabsiyada ku hayso aan lagu Fulin Xukunka Shareecada islaamka, Taasi oo keenta in dhibku uu daba dheeraado.

Horufadhinews.

SOMALI NEWS

To Top