WARARKA SOOMAALI

Xaalad cakiran oo Caawa ka taagan Degmo iyo abaabul xoogan oo socda

Wararka ka imaanaya degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud ayaa kusoo waramaya in halkaas ay culays ciidan saareen kooxda maleeshiyaadka Al-shabaab oo todobaadyadaan dagaalka lagu la jiray ay qeyb ka ahaayeen bulshadaa magaaladaasi.

Xaalad cakiran ayaa laga soo sheegayaa magaalada oo ku nool yihiin culimada Suufiyada kuwooda ugu degaanada Galmudug marka laga reebo Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka.

Bulshada ku kool degmada Baxdo iyo Degaanada ku hareeraysan waxaa ka socda abaabul ciidan oo bulshada reer guuraaga ah ay doonayaan inay ku difaacaan magaalada iyo bulshada ku nool.

Al-shabaab ayaa maalmo kahor dib u qabsaday Magaalada Camaara oo ay ku sugnaayeen Ciidanka Milateriga qeybta 21-aad iyo kuwa Daraawiishta Galmudug, iyadoo halkaas uu ka dhacay weerar ku bilowday qarax oo geystay khasaaro kala duwan

Si kastaba muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ka socday dagaalo u dhexeeyay Ciidanka Xoogga, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo Al-shabaab, waxaana xusid mudan in dhinacyada ay iska kala qabsadeen deegaano dhowr ah.

SOMALI NEWS

To Top