WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Maxaa kasoo baxay kulankii Rooble iyo Musharaxiinta Mucaaradka?

Ra’iisul Wasaaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta oo Isniin ah kulan la yeeshay xubno ka tirsan Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Musharaxiinta ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin Dardar gelinta howlaha doorashooyinka
Iyo in doorashadu noqoto mid hufan, daahfuran oo waqtigeeda ku dhacda

Midowga Murasharaxiinta ayaa Ra’iisul Wasaaraha la wadaagay talooyin ku aaddan turxaanbixinta iyo kala caddeynta qodobbada qaar ee ku xusan habraacii arrimaha doorashooyinka ee Golaha Wadatashiga Qaranku soo saareen 24-kii bishan.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Midowga Musharraxiinta ayaa isla gartay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo bilaabista wajiga labaad ee doorashada Golaha Shacabka ee BFS, si dhowna looga wada shaqeeyo arimaha u baahan kala cadeeynta.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Kulanka ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo weli Midowga Musharaxiinta diidan yihiin habraaca doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka oo dhawaan ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran, kaasi oo awood siinayo qodobo ku jira Madaxda maamulada dalka.

SOMALI NEWS

To Top