WARARKA SOOMAALI

Kulan laga yeeshay qorshe lagula dagaalamayo Al-shabaab, xili weli…

Duqa Degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Shiikh Xasan ayaa ka qeyb galay Kulan looga hadlayay Xoojinta Amniga Magaalada Gaalkacyo kaasi oo ay goobjoog ahaayeen Saraakiisha ugu Sareysa Taliska Qeybta booliska Gobalka Mudug, Kan Degmada Gaalkacyo iyo Taliska Nabad Sugida.

Kulan intii uu socday ayaa la iska xog waraystay guulaha laga gaaray la dagaalanka Argagixisada iyo Maandooriyaha waxaana lagu adkeeyay sii wadista Hawlgalada Amniga lagu Sugayo.

Maayarka Degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Shiikh Xasan  oo Saraakiisha Amniga ku amaanay Shaqada ay bulshada u hayaan ayaa ugu baaqay Shacabka Gaalkacyo in ay la shaqeeyaan Laamaha Amniga kuna soo wargeliyaan qatar kasta oo ay dareemaan si Gaalkacyo u noqoto goob ka caagan Argagixisada iyo qaswadayaasha.

Si kastaba muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ka socday dagaalo u dhexeeyay Ciidanka Xoogga, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo Al-shabaab, waxaana xusid mudan in dhinacyada ay iska kala qabsadeen deegaano dhowr ah.

SOMALI NEWS

To Top