WARARKA SOOMAALI

Wasiirkii warfaafinta Soomaliland oo ku xidhan Hargeysa iyo Malaayiin Doller oo uu lunsaday…

Hargaysa ( HM) Wararka ka imaanaya magaalada Hargeisa ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo, iyadoo loo heysto eedo la xidhiidha musuq maasuq.

Wasiir Guri Barwaaqo ayaa maanta tagaya maxkamada magaalada Hargeysa oo la geeyay eedaha loo heysto ee ah wax is daba marinta, wuxuuna xilkiisa si Ku meel Gaadh ah ugu dhiibay Kuxigeenkiisa Maxamed Muuse Abees.

Hanti-dhowraha Guud ee Somaliland, ayaa isagu ku adkeystay in la soo xidho Wasiirka Warfaafinta Somaliland, isagoo xabsiga ay uga sii horeeyeen Agaasimaha waaxda maamulka iyo lacagta iyo agaasimihii guud ee wasaarada warfaafinta Somaliland.

Si kastaba, Hantidhowrka guud ee Somaliland ayaa soo gaba gabeeyay baadhis uu ku hayay wasaaradaha qaar ee Somaliland, waxaana la sheegayaa in Hantidhowrku ay musuq ku heleen Hay’adaha dowladda qaar oo haatan xidhitaankoodu bilowday.

 

SOMALI NEWS

To Top