WARARKA SOOMAALI

Puntland Madaxweyne Deni oo Magacaabay Taliyeyaal cusub, xagee ka howl galayaan?

Garoowe (HM ) Madaxwaynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa shalay magacaabay Taliyaha qaybta gobolka Bari iyo ku xigeenkiisa.

Madaxweynaha ayaa Gaashaanle sare Xuseen Cali Maxamed u magacabay in uu noqdo taliyaha qaybta Boliska Gobolka Bari halka Gaashaanle dhexe Cabdi rishiid Barre Maxamed uu u magacaabay Taliye ku xigeenka qaybta Boliska Gobolka Barri.

Taliyahan uu madaxweynaha Puntland u magacaabay taliska qeybta gobolka Bari ayaa horey waxaa uu u soo qabtay xilal kala duwan oo ciidanka ah isagoona markii ugu dambeysay ahaa taliyaha Bankiga dowlada ee magaalada Boosaaso.

Magacaabista taliyaha qeybta Booliiska gobolka Bari iyo kuxigeenkiisa ayaa kusoo aadaysa xili falal amni daro ay maalmihii ugu dambeysay ka dhacayeen gudaha magaalada Boosaaso iyadoona ay xusid mudan tahay injagada taliyaha qeybta uu banaanaa maadama uu horey shaqadan uga tagay taliyihii hore ee qeybta Cabdixakiin Xuseen oo kamid noqday xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.

SOMALI NEWS

To Top