WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Muuse Biixi oo khudbad u jeediyey xubnaha Baarlamaanka Soomaliland iyo wuxuu kaga hadlay-Video

Hargeisa ( HM ) Muuse Biixi Cabdi Madaxwaynaha Somaliland ayaa maanta khudbad u jeediyay xildhibaanada labada golaha ee guurtida iyo wakiilada Somaliland, Wuxuuna  diiradda ku saaray arimaha amaanka, dhaqaalaha, waxbarashada iyo ictiraaf raadinta maamulka uu hogaamiyo .

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Biixi ayaa sheegay in xukuumadda uu hogaamiyo ay waxbadan ka qabatay arimaha kobcinta dhaqaalaha,shaqo abuurka dhalinyarada iyo kasbashada saaxiibada caalamka oo uu tilmaamay in xukuumaddiisu ay guulo ka gaartay arimaha ictiraaf raadinta.

Mar uu ka hadlayay wadahadalada maamulkiisa iyo dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayuu sheegay in muddo dheer ay maamuladii ka horeeyay ku bixiyeen wadahadalada ,waxa uuna tilmaamay in xukuumaddiisa ay xoogga saarayso sidii loo aqoonsan lahaa Somaliland loona soo afjari lahaa wadahadalada ma uusan sharixin qorshaha maamulka uu hogaamiyo ee arintan.

Dowladda Turkiga ayuu sheegay in ay wax guul ah ka keeni weyday dhinaca wadahadalada maadama ay iyadu garwadeen ka ahayd sanadihii lasoo dhaafay hase ahaatee waxa uu tilmaamay in dowlado badan ay ku soo biireen dhexdhexaadinta maamulkiisa iyo dowlada Federaalka isagoona rajo wanaagsan ka muujiyay in ay miro dhal noqdaan wadahadalada .

Madaxweynaha Somaliland ayaan gabi ahaanba khudbaddiisa kusoo hadal qaadin xurfugta kala dhexeysa Maamulka Puntland, Iyadoo dhowaan ciidanka  Somaliland dhaqdhaqaaqyo ka wadaan gobolka Sanaag , Islamarkaana ay gacanta ku dhigeen  deegaanka YUBBE.

SOMALI NEWS

To Top