WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xogta Macdanta Soomaaliya ku jirta oo maanta Dowladda Federaalka lagu wareejiyey-Video

Muqdisho (HM)-Xog ku saabsan macdanta ku jirta dalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in lagu wareejiyo dowlada federalka Soomaailya iyadoo xogtaana la ururinayay illaa iyo horaantii qarnigii aynu ka soo gudubnay.

Macdanta ku jirta dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah dahabka iyadoo goobaha laga heli karo macaadiintana lagu muujiyay xogta lagu wado in lagu wareejiyo dowlada federalka.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa rumeysan in shirkado ajaaniib ah ay ka qaataan dalka macaadiin badan oo ay ka mid tahay Yuraaniyamta.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xogtan ayaa la sheegay in shirkada SKA ay ku wareejinayso dowlada Soomaaliya iyadoo shirkadana ay xogta ka heshay qubaro British ah oo baarayay sanooyin badan.

Dhowaan ayaa la soo bandhigay xog ku saabsan kheyraadka shidaalka ee ku jira badda Soomaaliyeed,hase yeeshee soo bandhigida xogtaas ayaa waxaa ka dhashay khilaaf u dhexeeya dowlada Soomaaliya iyo dowlada Kenya.

SOMALI NEWS

To Top