WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Cabdiraxmaan Cabdishakuur”Go’aankii looga aamusay qaraarkii Israa’il waxaa gaaray Farmaajo,,-Video

Muqdisho (HM)-Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay xaalad ka dhalatay go’aan ay dowlada Soomaaliya ugaga aamustay qaraar ku saabsanaa go’aanka uu Madaxweyne Trump ku aqoonsaday dhulka ay Yuhuudu xooga ku haysato ee Golan Heights.
Go’aanka kadib ayaa Wasaarada Arrimaha Dibada Dowlada Soomaaliya waxa ay si deg-deg ah ugu yeeratay safiirkii ka fadhiyay magaalada Geneva waxana uu siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur qoraal uu soo dhigay bogiisa Facebook ku sheegay inaysan safiiradu gaari Karin go’aan dowladeed iyadoo aan la tashan madaxda sare ee dalka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Ma jiro safiir go’aan qadiyad caalami ah ka qaadan kara iyada/ isaga oo aan la tashan Madaxda sare ee dalka. Waa la ogyahay cida go’aanka qaadatay iyo cida ku cadaadisay intaba.”ayuu yiri Cabdirasmaan Cabdishakur.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Maxamed Cabdulahi Farmaajo in uu qaato mas’uuliyada go’aanka uu ka gaaray arrimaha qadiyada muslimiinta.

“Madaxweynuhu waa in uu si geesinimo leh masuuliyada u qaadato oo uu san Safiirka madaxfurasho ka dhigan, wasaaraduna warqado shacabka ku jahwareerin. Safiiradu waa in ay cadayso in go’aanku amar dawlad ahaa ee aysan aqbalin in maalmo Muqdisho la keeno, ka dibna shaqadeeda lagu celyo, iyaduna eeda qaadato.”

Ugu dambeyntii siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraalkiisa ku cadeeyay in hore go’aan sidan oo kale ah uu ugaga aamusay safiirka dowlada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay taasoo ku saabsanayd aqoonsiga caasimada Israel ee Qudus.

“Sidan oo kale ayuu Madaxweyne Farmaajo ku cadaadiyey Safiirka Soomaaliya Qaramada Midoobay u fadhiya in uu ka aamuso go’aankii lagu canbaareeyey in Qudus ay tahay Caasimada Israel. Hadii uu Madaxweynuhu ku qanacsan yahay in ay aamusnaanta go’aanadan dani ku jirto, ha yeesho geesinimo uu masuuliyada go’aanka ku qaato. Laakiin ma dhici karto, laga soo bilaabo dhiibistii Qalbidhagax in la yiraahdo Madaxweynuhu ma ogayn.”

Illaa hadda dowlada Soomaaliya si toos ah ugama hadlin go’aanka ay wadamo badan oo Islaam aad uga caroodeen ooku saabsanaa in laga aamiso qadiyada Bariga Dhexe oo lala safto dowlada Israel.

Jowhar.com

SOMALI NEWS

To Top