WARARKA SOOMAALI

Axmed Madoobe iyo Ciidaamo uu wato oo Muqdisho soo gaadhay..

Muqdisho (HM)-Amaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay waxaana la xiray waddooyin badan oo gala garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaa loo diiday inay adeegsadaan waddooyinka ciidamada ay xireen, waxaana goobaha xiran kamid ah isgoyska Soobe, Banaadir KM4 iyo goobo kale oo badan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhawaan ka sheegay magaalada Kismaayo inuu safar ku imaanayo magaalada Muqdisho, islamarkaana uu kulamo la qaadan doono ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha dalka si loo dhameystiro heshiis dhexmaraya Jubbaland iyo dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay la socdaan ciidamo badan oo lagu qiyaasay inka badan 10 askari, kuwaasi oo aad u hubeysan, waxaana magaalada Muqdisho kaga soo horeeyay wafdi hordhac u ahaa socdaalkiisa oo saraakiil sirdoon ay ku jiraan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxweynaha dalka, ra’iisul wasaaraha, ku simaha NISA iyo xubno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka.

Goor hore oo saaka ah ayey ahayd markii ay Muqdisho so gaadhay sida aan xog ku helnay diyaarad ay saaan yihiin ku dhawaad 50 Askari oo kamid ah ilaalada gaarka ah ee Axmed Madoobe.

SOMALI NEWS

To Top