WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Cali Khaliif oo laba Sano kadib Su,aal ka keenay Heshiiskii uu la galay Maamulkii Siilaanyo-Video

Laascaanood (HM)-Madaxweynihii hore ee Maamulkii Khaatumo Cali Khaliif Galeydh ayaa su’aal ka keenay Heshiis uu horey ula galay maamulka Somaliland, kaasi oo uu la galay Madaxweynihii hore ee Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Cali Khaliif oo Hargaysa ku sugan wuxuu su’aal ka keenay halka uu ku dambeeyay Heshiiskaasi iyo cidda ay tahay in wax laga weydiiyo, maadaama muddooyinkii u dambeeyay aysan jirin cid soo hadal qaadeysay Heshiiskaasi isla markaana Soomaliland ay ka dhigtay Hal bacaad lagu lisay kadib markii Cali Khaliif iyo Xubno kale oo ka tirsanaa Khaatumo lagu soo xera galiyey Heshiisyo been ah.

Heshiiskaasi ayaa waxaa sanadkii 2017-kii magaalada Hargeysa ku gaadhey Cali Khaliif iyo Madaxweynihii hore ee Soomaliland Siilaanyo, balse labo sano kadib wuxuu isweydiiyay halka uu ku dambeeyay Heshiiskasi kadib markii Siilaanyo iyo xubno Wasiiradiisa ah oo Heshiiska iyo wadahadalka Khaatumo hormuud ka ahaa meesha ka baxeen.

Cali Khaliif Galeydh ayaa sheegay in uusan garaneyn cidda uu kala hadlayo fulinta Heshiiskaasi, maadaama tan iyo xiligaas aan lasoo hadal qaadin, balse madaxweynaha hadda talada haya ayuu sheegay inay isku xisbi yihiin Siilaanyo.

Kala cadeynta howlaha iyo awoodaha shaqada oo lagu muujiyo Dastuurka ayuu sheegay in ay qayb ka qaadan karto in uu gaaro 50 sano ama 100 sano sida uu hadalka u dhigay, isaga oo sheegay inay taasina caqabad ku noqoneyso Heshiiskii horey uu u galay mar uu Mr Galaydh ka hadlayey habeen dhawayd dood ku saabsan Dastuurka Soomaliland oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargaysa.

Qodobadii ay kala Saxiixdeen Axmed Siilaanyo Madaxweynihii hore ee Maamulka Somaliland iyo Cali Khaliif Galeydh oo ka socday Maamulkii Khaatumo waxaa kamid ahaa: ka shaqeynta sugidda amniga, dhameystirka Heshiiska, iyo qodobo kale oo kamid ahaayeen furista Dastuurka Soomaliland si uu u yimaado awood qaybsi, hase ahaatee Heshiiska ayaa u muuqday mid meeshaba ka baxay kadib Cagajiid badan oo awalba ka muuqday.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xubnaha ka socday Maamulka Khaatumo ee uu Cali Khaliif hormuudka ka ahaa ayaa hada meel ay jaan iyo cidhib dhigeen la aqoon iyaga oo markii hore Hargaysa wada tagay ayaa hadana ay kala qayb sameen oo qaarba meel aaday qaarkood waxay kusoo laabteen Deegaanadii iyaga oo eedeeyay Cali Khaliif iyo siyaasadiisa isla markaana shegeen in Soomaliland ay fuliso waxay ku heshiiyeen, xubnihii kale oo uu kamid yahay Madaxweyne ku xigeen Cagalule ka dambeeyay Mr Caananuug ayaan la aqoon hada meel uu ku dambeeyay,halka Cagalule iyo xubno hore u diiday Siyaasada Galaydh ay sheegeen in ay la midoobeen Maamulka Puntland isla markaana ay tageen Garoowe walow aan hada iyana la aqoon meel ay ku dambeeyeen,

Maamulka Khaatumo oo sanadkii 2012-kii lagaga dhawaaqay Magaalada Tariikhiga ah ee Taleex kadib Siyaasad iyo isku tashi ka yimid aqoonyahanka iyo Bulshada deegaanadaas ayaa waxaa kamid ahaa Dadkii hormuudka ka ahaa aas aaskiisa Cali Khaliif oo isagu markaa aad u dhaliilsanaa siyaasadaha Maamulada Puntland iyo Soomaliland taas oo keentay in sanadkii 2015-kii Madaxweyne loogu doorto Degmada Saaxdheer ee Gobalka Sool kadib Soo jeedin balaadhan oo ka timid Bulshada deegaanka oo iyagu u arkayey in uu yahay Madaxweynihii samata bixin lahaa Dadka Sool,Sanaag iyo Cayn oo aad ugu jeelanaa baahi maamul oo weyn.

Hase ahaatee Soomaliland ayaa dagaal mudo kooban socday waxay kula wareegtay madashii Doorashada kadib isla goobtaas Doorashada Dagaal iyo qas siyaasadeed oo maalintaas ka bilowday wuxuu dhaliyey in maamulkii Khaatumo uu sal dhigan waayo isla markaana qaab Jamhad ah uu dhaqankeedi yeesho Cali Khaliif iyo xubno uu hoggaaminayo oo maamulka ah waxay marba meel tagaan waxay saldhigteen Buuhoodle kadibna waxay mudo markii la joogay wadahadal la fureen Maamulka Soomaliland kadib Kulamo qarsoodi ah oo ka dhacay Degmada Caynaba waxaana halkaas ka bilowday in maamulkii Khaatumo oo uu hoggaanka u hayey Cali Khaliif uu si tartiib tartiib ah ugu dhawaado maamul Bulshada deeganku aysan tageersaneen taasoo keentay walaac weyn iyo in Maamulkii kala jabo bulshaduna ka niyad jabto ilaa uu markii dambe Hargaysa toos ugu xarooday Cali Khaliif iyo xubno kooban oo maamulkiisa ah.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top