WARARKA SOOMAALI

Shirkada Somtel oo soo Bandhigtey adeegyo cusub oo casri ah-Sawiro

Muqdisho (HM)-Shirkadda Isgaarsiinta ee SOMTEL ayaa soo bandhigtey adeegyo cusub oo casri ah.kuwaasoo isugu  jira adeegga Internetka iyo Adeega  4G LTE Advance ama 4G+ iyo adeegga 3G, H+ iyo weliba adeegyo kale.

Munaasabad lagu soo bandhigayay adeegga cusub ee Shirkadda Isgaarsiinta SOMTEL ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin kala duwan waxaana halkaa dadkii ka qeybgalay ay qireen adeegyada SOMTEL inay yihiin kuwo dadka ay ku qancaan.

Shirkadda Isgaarsiinta SOMTEL ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku soo bandhigtey adeegyada ay bulshada u keentay.

WAR SAXAAFADEED
BANDHIGA ADEEGYADDA CASRIGA AH EE SOMTEL

Shirkada isgaarsiinta casriga ah ee Somtel Somalia waxay macaamiisheeda usoo bandhigeysaa adeegyo cusub oo casri ah.

Adeegyada cusub waxay ka kooban yihiin Mobile Internet & Mobile money transfer

1. Adeega Internet-kaA. Adeegga 4G LTE Advance ama 4G+: Waa adeeg xawaarihiisu ka sareeyo adeegii hore ee 4G ga, qiimihiisuna Jaban yahay.
B. Adeega 3G, H+: Waa adeeg Macaamiisha u sahlaya in ay smart phone kasta oo ay wataan ku Isticmaalaan internetka somtel.
C. Xirmooyinka kaafiye: Waxay macaamiishu ka helayaan Internet iyo ku hadal aad u qiimo Jaban iyagoo isticmaalaaya adeega Muraad ee eDahab.

2. Adeega Lawadaag: Macaamil- ku wuxuu la isticmaali karaa lacagta ku hadalka ee ugu jirta saaxiibkiis.

3. Adeega Mobile Money Transfer

A. Adeega Dahabi: Macaamil ku wuxuu Account-kiisa Dahabshiil ka maamulan karaa mobile kiisa isagoo isticmaalaya edahabkiisa.

B. Adeega xawaalada Mobile ka: Macaamil ku wuxuu lacag u diri karaa aduunka oo dhan isagoo isticmaalaya edahab kiisa Uma baahna in uu tago xafiisyada xawaalada.

Somtel waa shirkadii ugu horeysay ee keentay adeega 4G LTE Advance ama 4G+
Dunida tagtay la jaanqaad oo Isticmaal simcard-ka Somtel
Faahfaahin dheeri ah 151/152 /215000.

SOMALI NEWS

To Top